Home arrow Siyaasadda | Africa arrow Ra,isul Wasaaraha Itoobiya oo Sheegey in Uusan Ciidamadiisa Soomaliya Kala Baxeynin
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:405
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:314
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 22 2008
Ra,isul Wasaaraha Itoobiya oo Sheegey in Uusan Ciidamadiisa Soomaliya Kala Baxeynin
Written by Ali Moallim   
Thursday, 22 May 2008

ra,isul Wasaaraha ItoobiyaAddis Abba,(insidesomalia.org)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Meles Zenawi oo maanta ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka Dalkiisa ayaa wuxuu sheegay in aysan Ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka baxeynin ilaa ay ka adkaadaan kooxaha Jihaadiistayaasha.

“Marka aan Soomaaliya ka soo baxeyno waxay noqoneysaa marka ay xaqiijinno in aaney wax khatar ah nooga imaaneynin dhinaca Soomaaliya”ayuu yiri Meles Zenawi oo aysan markii ugu horeysay oo uu sheego in uusan Ciidamadiisa ka saareynin Soomaaliya.

Meles Zenawi waxaa uu sheegay in sababta ay Ciidamada Itoobiya u farageliyeen Soomaaliya ay ahayd in si dhaqsi ah lagu baabi’iyo khatar kaga soo fool lahayd Maxkamdihii Islaamka oo ku baaqay Jihaad ka dhan ah Dalkiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye, sidoo kalena wuxuu sheegay in ujeedada kale ee ay Ciidamadiisa Soomaaliya u farageliyeen ay tahay in ay soo celiyaan nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ay Dowladdiisa gacan dhaqaale ka heleysay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu Ciidamo kumanaan kun gaaraya wuxuu u diray Dalka Soomaaliya sanadkii 2006, xiligaasi oo ay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya ay ka talinayeen Maxkmadihii Islaamka.

Laakin tan iyo xiligaas Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaa ay wajahaan dagaallo uga imaanaya dhinaca Kooxo wax iska caabin ah oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, kuwaasi oo maalin kasta weerarro ku qaada.

Meles Zenawi oo ay Xildhibaannada Baarlamaankiisa wax ka weydiiyeen dhaqaalaha ku baxa Ciidamada Soomaaliya ka jooga wuxuu sheegay in Ciidamada uu dhaqaalahaas ku bixi lahaa xitaa haddii ay joogi lahaayeen gudaha Itoobiya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya sidan leeyahay ayaa hadana Dhinacyada isku haya Soomaaliya waxaa Dalka Jabuuti uga bilowday wada hadallo ay Ajendayaashooda ka mid yihiin sidii loo abuuri lahaa jawi ay Ciidamada Itoobiyaanka uga baxaan Soomaaliya.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >